Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee UK Ee La Doortay Oo Shaaciyey Kooxda Premier League Ee Uu Taageero.

0
97

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ra’iisal wasaaraha cusub ee UK ee  la doortay ee Rishi Sunak ayaa shaaciyey kooxda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee uu taageero, taas oo uu qirtay in uu xataa ka noqon lahaa Madaxweyne haddii aanu siyaasadda soo geli lahayn.

Rishi Sunak oo asal ahaan kasoo jeeda waddanka India ayaa noqday Ra’iisal wasaarihii ugu horreeyey taariikhda UK ee kasoo jeeda qaaradda Asia.

42 jirkan oo ahaa wasiirka maaliyadda ee waqtigii Ra’iisal wasaarihii hore ee Boris Johnson, ayaa waxa uu noqon doonaa Ra’iisal wasaarihii ugu horreeyey ee uu dhaarinayo Boqorka Cusub ee UK ee King Charles III, ka hor inta aanu la wareegin xafiiska Downing Street 10.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here