Qoysaska Danyarta ah Ee ku nool Xerada Barakac Ee Magaalada Jowhar Oo Qeyb ka ahayn Dadka u Dabaal dagaya Farxdda Ciida.

0
198

Maanta oo jimco ah ayaa Waxaa Dunida islaamka looga Dabaal Degay Munaasabadda Farxadda Maalinta Ciida Waxaana Magaalada jowhar ay kamid ahayd meelahii Sida Wanaagsan looga Dabaal Degay Ciida Carafo.

Inkastoo Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Jowhar ay Si farxadleh ku Ciideen Hadana Waxaa Jira Qoysas Barakacayaal iyo Danyar ah oo aan Awodin in ay iyaga Iyo Carruurtooda ka Qeybgalaan Farxada Ciida.

Maryama ibraahim Xaaji oo ah Hooyo leh Todobo Carruur ayaa Sheegtay in aysan iyada iyo Carruuteedaba Heysan Dharkii ay uga Qeybgali lahaayeen Farxada Ciida Waxaana ay shacabka muslimiinta ah ka Dalbatay in Laga Caawiyo sidii iyada iyo Carruurteeda Bulshada ugala mid Noqon lahaayeen Farxada Ciidul Adxaa.

Warbixintaan Waxaa Inoo Soo Jeedinaaya Cabdi Wali Axmed Hilowle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here