Qiimaha Hilibka Geela ee Suuqyada Magaalada Jowhar oo Sare u Kacay.

0
155

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sare u Kacaan ku Yimid Qiimaha lagu kala Iibsado Hilibka Xoolaha Gaar ahaan Geela ayaa Waxaa Sababay Fatahaadaha Wabiga Shabeelle oo kala Xiray Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolkani Shabeellaha Dhexe Waxaana Adkaatay in Geela Lasoo Marsiiyo Biyaha.

Cabdulqaadir Arwaax Shaqalle oo ah Ganacsade iibiya Hilibka Geela ayaa Radio Isnaay u Sheegay in Neefka Geela isaga oo Bireysan lakeeno Jowhar Maadaama ay Waddooyinka Gobolkana ay Fatahaadaha Jareen.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdiwali Axmed Hilowle.