Qatar Airways Oo Dib Ubilabi doonta Duulimaadyadi Magaalada Muqdisho

0
141

Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways ayaa dhowaan dib u bilaabi doonta duullimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Maareeyaha Guud ee Shirkadda diyaaradaha ee Qadar Airways ayaa sheegay in 6-da bisha soo socota ee September ay dib u bilaabi doonaan saddex duullimaad oo todobaadle noqon doona oo ay diyaaraddu ku imaan doonto Muqdisho.

“Waxa aan ku faraxsan nahay in aan dib u bilowno duullimaadyadii aynu ku tegi jirnay Caasimadda Soomaaliya, Magaalada Muqdisho waxaa loo tixgeliyaa magaalada ugu dadka badan Soomaaliya, rakaabkeennu waxa ay ku raaxeysan doonaan isku xirka ballaaran ee shirkadeenna iyaga oo mar walba sii mari doona xarunteenna garoonka caalamiga ah ee Xamad, oo dhowaan loo doortay garoonka ugu wanaagsan Bariga Dhexe” ayuu sarkaal ka tirsan Qadar Airways yiri.

Sida uu sheegay sarkaalkan ka tirsan shirkadda Qadar Airways adeegga duullimaad ee Muqdisho waxaa bixin doona diyaarad nuuceedu yahay Airbus A320 oo qaadda 12 kursi oo Darajada Ganacsatada ah iyo 120 Kursi oo Dabaqadda Dhaqaalaha ama dadka caadiga ah loogu talagalay.

“Diyaaradda Qatar Airways waxa ay weli u heellan tahay bixinta isku xirnaanta caalamiga ah ee suuqyada guud gaar ahaan qaaradda Afrika, iyada oo la adeegsanayo bilowga goobo cusub oo ay weheliso dib u billaabid degdeg ah oo adeegyadii loo hakiyay musiibada karoona awgeed dib loosoo celinayo. Waxa aan rajeyneynaa in aan kusoo dhaweyno rakaabkeenna dib u bilaabashada duullimaadyada iyo sahminta meelo cusub oo aan soo kordhinayay oo Afrika ah” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Maamulka Shirkadda Qatar Airways.

Qadar Airways ayaa 9 magaalo oo ay Muqdihso ku jirto 40 duullimaad ah ku tegi doonta todobaad walba guud ahaan qaaradda Afrika magaalooyinkaa oo ay kamid yihiin Addis Ababa, Daarusalaam, Jabuuti, Neyroobi, Kigali, Kiliminjaro, Tuunis iyo Zanzibaar.