Qaramada Midoobay oo dib u eegis ku sameyneysa howlgalkeeda Afghanistan.

0
78

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Afghanistan ayaa bilaabay dib u eegis uu ku sameynayo howlgalladiisa wuxuuna ka codsaday dhammaan shaqaalaha Afghanistan inaysan shaqada soo xaadirin ugu yaraan ilaa bisha May kaddib markii maamulka Taliban uu ka mamnuucay haweenka shaqaalihiisa ka midka ahaa inay shaqeeyaan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu howlgalku soo saaray.

QM ayaa toddobaadkii hore sheegtay in Taliban oo xukunka dalkaas la wareegtay sanadkii 2021, ay ku wargelisay in haweenka Afghanistan aysan u sii shaqeyn doonin hay’adaheeda. Taliban ma aysan ka hadlin amarka.

Howlgalka QM ee Afghanistan ee loo soo gaabiyo UNAMA ayaa war saxaafadeedkiisa ku sheegay in Taliban ay isku dayeyso in QM ay kala dooransiiso labo daran mid dooro oo ah inay joojiso gargaarka iyo taageerada ay siiso dadka reer Afghanistan iyo inay ku taagnaato qaanuunnnadeeda iyo shuruucdeeda ay ku dhisan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here