Qaar kamid ah taageerayaasha Arsenal oo lagu xiray Uganda

0
77

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Koox gaareysay 20 oo kamid ah taageerayaasha kooxda Arsenal ee Uganda ayaa waxay booliska ku xireen magaalada Jinja, sida uu ku warramay wargeyska The Monitor.

Waxay kooxda u dabbaaldageysay guushii ay xaley Arsenal ka gaartay Manchester United oo ay 3-2 uga badisay.

Wargeyska ayaa sidoo kale ku warramay in taageerayaasha la qabtay ay saarnaayeen kolonyo baabuur ah xilliggii ay dabbaaldegayeen.

Booliska kama aysan hadlin waxa ay geysteen taageerayaashan la xiray.

“Ma garan karo waxa aan sameynay, waxaan u dabbaadageynay guusha aan ka gaarnay Manchester United” ayuu yiri Baker Kasule oo uu wargeyska soo xigtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here