Paul Merson Oo Saadaal Cusub Ka Bixiyay Horyaalka Premier League Ka Dib Guushii Arsenal

0
65

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Paul Merson ayaa sheegay haddii Arsenal ay badiso seddexda kulan ee soo socota ee Premier League inay markaas ku guuleysan doonaan horyaalka.

Gunners ayaa labo gool oo looga hormaray uga jawaabtay seddex gool iyagoo goolka guusha dhaliyay daqiiqadii 97aad markii uu shabaqa soo taabtay Reiss Nelson.

Waxay natiijadaan ka dhigan tahay in Gunners ay weli shan dhibcood hogaanka uga heyso kooxda Manchester City kuwaasoo iyagana 2-0 ku dubtay Newcastle, waxaana labada kooxood u harsan min 12 kulan.

Khabiirka Sky Sports ahna weeraryahankii hore ee Arsenal Paul Merson ayaa aaminsan in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka haddii ay badiyaan seddexda kulan ee soo socota.

Waxay Axada soo socota la ciyaarayaan Fulgam ka dib waxaa ugu xigi doonta Crystal Palace iyo Leeds.

“Waxaan aaminsanahay inay ku guuleysanayaan horyaalka” ayuu Merson yiri. “Horay kaliya ayay u socdaan, mana garanayaan waa la idinka badiyay. Afar kulan isku xiga oo ay badinayaan.

“1-0 ayaa lagu hogaaminayay kulankii Villa iyagoo aan badinin seddex kulan islamarkaana ay si xun u soo garaacday Man City laakiin way soo kabsadeen.

“Waa kuwa u ciyaaraya si cajiib ah, seddexda kulan ee soo socota ayaa muhiim ah. Haddii ay badiyaan waxay ku guuleysan doonaan horyaalka.”