Nin sheegay in uu jabsaday bog ay leedahay shirkad diyaaradeed si uu u helo boorso ka luntay.

0
179

JOWHAR  (Radio isnaay)-Nandan Kumar oo ah 28 jir ayaa jabsaday website-ka shirkadda diyaaradaha Hindi Go kadib markii madaxda shirkadda ay ka diideen inay la baadi gooban boors ka luntay.

Kumar wayaa sheegay in uusan ku shaqaysan mareeg jabsashada, laakiin uu arintaan u sameeyay si uu u helo boorsadiisa.

Sidoo kale Kumar ayaa sheegay inuu la xiriiray shirkadda diyaaradaha ee IndiGo si ay u caawiyaan, kadib markii uu ogaaday in uu boorsadisa ku qalday boorso qof kale leeyahay.
Laakiin IndiGo ayaa diiday in ay la baadi goobto Kumar qofka ay boorsadiisii ku qaldantay.
Kumar ayaa gaartay magaca qofka iska leh boorsada uu ku qalday tiisa isaga oo adeegsanaya lamabarka PNR ka oo ku dhaganaa warqada lagu dhajiyo boorsooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here