Muslimiinta waardiyeeya xarumaha qaar ee Qadar oo laga hor istaagay inay afuraan.

0
72

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Wararka ka imanaya dalka Qadar ayaa sheegaya, in Muslimiinta waardiyaha ka ah xarumaha qaarlaga hor istaagay inay afuraan marka la gaaro xiliga afurka.

Warbaahinta qadar ayaa sheegaya, in dadka shaqaaleysiiyay gabdhahaas ay qaarkood sheegeen, in shaqaalahooda oo afuraya iyagoo shaqa ku jira ay u muuqato wax xirfadda ka baxsan.

Bogga warbaahinta qeybta Ingiriiska ee Doha News, ayaa daabacay nin waardiye ka ah bangi weyn oo sheegaya, in loo diiday inuu wax cuno ama uu xittaa fariisto inta uu shaqada ku jiro.

Waxay intaa ku dartay, in shaqaalaha aysan sameyn wax dibedbax ah, iyagoo ka baqaya inay shaqadooda ku waayaan.