Mason Greenwood Oo Helay Kooxdii Uu Ku Badbaadsan Lahaa Mustaqbalkiisa

0
78

Jowhar- (Isnaay Radio)- Xiddiga jeelka kasoo baxay ee Mason Greenwood ayaa helay dariiqii uu dib ugu dhisi lahaa xirfaddiisa kubadda cagta ee uu ku badbaadsan lahaa waayihiisa jarka kasii laad-laada, waxaana uu iskaga tegi doonaa Manchester United marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga.

Mason Greenwood oo bilo ka hor la laalay dacwaddii kufsiga ee muddada sannadka ah uu u xidhnaa, ayaa waxa la sheegay in Manchester United uu ka tegi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan oo uu u dhaqaaqi doono horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A.

21 jirkan oo Erik ten Hag uu u diiday inuu kusoo laabto tababarka kooxda ayaa waxa la sheegay in uu heshiis amaah ah ku tegi doono kooxda Talyaaniga ee Juventus oo uu xilli-ciyaareedka dambe u dheeli doono, halka AC Milan iyo Roma ay sidoo kale danaynayaan saxeexa Mason Greenwood.

Laacibkan oo hore loo sheegay in uu tegayo waddanka Turkey, ayaa waxay u dhow dahay in ay heshiis la gaadho Greenwood oo xor ka noqday kiisaskii loo haystay bishii February, iyadoo aanu garoomada kasoo muuqanin tan iyo January 2022.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxa la sheegay in Mason Greenwood uu tababar uu kali ku yahay ku qaadanayay xarunta Carrington ee Manchester United, waxana heshiiskiisa Old Trafford oo uu toddobaadkii ku qaato £75,000 Gini ka hadhsan laba sannadood.