Mareykanka oo sheegay in magdhow ay dalban karaan ehelada dadkii ku dhintay shilkii Ethiopian Airlines

0
73

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Garsoore Maraykan ah ayaa go’aamiyay in ehelada dadkii ku dhintay diyaaradii Boeing 737 Max ee ku burburtay dalka Itoobiya ay codsan karaan magdhow ku saleysan xanuunka iyo dhibka soo gaaray kaddib dadkii ku dhintay shilka.

Boeing ayaa iska difaacday in dadkii diyaaradda Ethiopian Airlines ay isla markiiba dhinteen.

Diyaaradda ayaa burburtay wax yar un kadib markii ay ka duushay Addis Ababa afar sano ka hor.

Xukunkii ugu dambeeyay ayaa yimid ka hor maxkamadeynta Mareykanka si loo go’aamiyo inta ay le’eg tahay qoysaska dhibanayaasha ah inay helaan.

Saddex sano ka hor, Boeing ayaa qirtay mas’uuliyadda shilka iyo mid kale oo ka dhacay Indonesia.