Manchester United Oo Tallaabooyin U Jirta Dhamaystirta Saxeexii Koowaad Ee Xagaagan

0
84

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa qarka u saaran saxeexa difaaca reer France ee Axel Disasi oo ka  tirsan Monaco, kaas oo la sheegay in uu ogolaaday in uu tago Manchester United oo uu ku riyoon jiray.

Manchester United ayaa suuqa ugu jirtay sidii ay ula saxeexan lahayd difaac dhexe xagaagan, iyaga oo si xor ah ku fasaxay Eric Baily, sidoo kalena uu Harry Maguire ka baxay qorshaha tababare Erik ten Hag oo aan doonayn in uu kooxdiisa kusii haysto kabtanka reer England.

Red Devils ayaa hore waxay ugu dhowayd heshiiska difaaca Napoli ee Kim Min-jae oo la sheegay in ay xataa heshiis shaqsi ah la gaadhheen, laakiin waxay Manchester United si lama filaan oo dhakhso badan horumar uga samaysay wada-hadallo ay kula jirtay Monaco oo ay kaga doonaysay Axel Disasi.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegtay in Monaco aya dalbatay €40 milyan oo Euro, laakiin ay Red Devils wali raawlayso in qiimuhu uu hoos uga soo dhci karayo intaas.

Axel Disasi ayaa waxay Manchester United uga hormartay kooxo waaweyn sida Chelsea oo la sheegay in ay danaynayso laacibkan difaaca dhexe ee ka  midka ahaa xulka qaranka France ee Koobkii Adduunka.

25 jirkan ayaa waxay Monaco kasoo iibsatay Reims sannadkii 2020, iyadoo kasoo bixisay €13 milyan oo Euro, waxaana qandaraaskiisa ka hadhsan laba sannadood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here