Manchester United Oo Daqiiqaddii Ugu Dambaysay Guul Dirqi Ah Ka Gaartay Ominia.

0
107

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul waqti dambe ah ka gaadhay kooxda yar ee Omonia Nicosia oo marti ugu ahayd Old Trafford, waxaana geesiga Red Devils guusha u go’aamiyey noqday Scott McTominay oo beddel kusoo galay dhamaadaka ciyaarta oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan tahay.

Goolhaye Francis Uzoho oo laf-dhuungashay ciyaartoyda Manchester United sida Ronaldo, Rashford, Bruno Fernandes iyo Casemiro ayaa daqiiqaddii ugu dambaysay waqtiga dheeraadka ahaa waxa gool ka dhaliyey McTominay oo kubbad uu ka helay xerada ganaaxa dhaxdeeda darbad xooggan ku weydaariyey Francis Uzoho.

Ciyaartoyda Omonia ayaa dhulka isku daadiyey niyad-jab darteed maadaama xilli ay dhibic jeebadda gashadeen laga daba yimid, waxaana la kicin kari waayey goolhaye Francis Uzoho oo ahaa xiddiga ugu fiicnaa ciyaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here