Man United Oo U Dhaqaaqeysa Xiddig Wacdarro Ka Dhigaya La Liga.

0
90

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa lagu waramayaa inay bartilmaameedsaneyso xiddiga khadka dhexe ee Celta Vigo Gabri Veiga iyagoo sidoo kale isha ku haya Jude Bellingham iyo Frenkie de Jong.

Red Devils ayaa la sheegay inay lacag gaareysa 70 milyan ginni ku qarashgareyneyso soo xerogelinta Gabri Veiga iyadoo Erik ten Hag uu u baahan yahay inuu xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

Bellingham ayaa la sheegayaa inay jecel yihiin madaxda Old Trafford inkastoo xiddiga Ingariiska uu sidoo kale diirada u saaran yahay kooxaha Real Madrid Liverpool iyo Manchester City.

United waxay sidoo kale weli rajo ka qabtaa xiddiga Barcelona Frenkie de Jong laakiin waxay haatan xoogooda isagu geynayaan soo xerogelinta xiddiga khadka dhexe ee Celta Vigo Gabri Veiga.