Maguire Iyo Malacia Oo Laba Gool Iska Dhaliyey Kulan Ay Manchester United 2-2 Kula Heshiisay Sevilla

0
87

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa iska lumisay guul gacanteeda ku jirtay iyo laba gool oo ay kala hormartay Sevilla, waxaana shan daqiiqadood gudahood lagaga dhaliyey labadaas gool iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 2-2.

Lugta hore ee wareegga siddeedda Europa League ayaa musiibo iyo lama-filaan ku noqotay Manchester United oo waqti hore u qaadatay inay guuleysanayso.

Marcel Sabitzer ayaa Manchester United u dhaliyey laba gool 20kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta, hase yeeshee shantii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ayaa waxa laba gool iska dhaliyey Tyrell Malacia iyo Harry Maguire, waxaanay labada kooxood tegi doonaan Spain iyaga oo natiijo isku mid ah ka helay Old Trafford.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro 2-2 ah, waxaanay labada kooxood lugta labaad isla tegi doonan garoonka Ramon Sanchez-Pizjuan Stadium ee magaalada Sevilla oo midkooda badiya uu u gudbi doono semi-finalka.