Madaxweyne Erdogan oo loo dhaariyay xilka madaxweynanimada

0
76

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa lagu dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Turkiga.

Guddoomiyaha Xisbiga AKP ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa sidoo kale lagu hor dhaariyay Baarlamaanka Turkiga.

Recep Tayyip Erdoğan ayaa markii ugu horeysay warqadda ogolaanshaha ka qaatay Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Dalka Turkiga, Devlet Bahceli, ka dibna waxaa lagu dhaariyay xarunta Baarlamaanka Dalka Turkiga.

Dhaarinta kadib madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku dhawaaqay golaha wasiirada xukuumaddiisa taasoo ay ka soo dhax muuqdeen siyaasiin ka tirsan xisbigiisa iyo kuwa kale oo caan ka ah Turkiga.