Madaxweynaha Uganda oo uu ku dhacay Covid 19.

0
72

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in uu ku dhacay Covid-19 ka dib markii mid ka mid ah saddex baaritaan oo lagu sameeyay ay natiijadu soo baxday.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu is karaantiilay, isagoo Arbacadii laga helay cudurka Coronavirus.

Mr Museveni, oo khudbad ka jeedinayay khudbadii qaran ee Arbacadii shalay, ayaa sheegay in uu ku dhacay hargab yar, taasoo keentay in la tijaabiyo.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka, Diana Atwine, ayaa sheegtay in madaxweynaha ay ku dhaceen astaamo u eg hargabka oo fudud balse uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay uuna sii wadan doono shaqadiisa.

Waxay sheegtay in madaxwaynuhu uu u hogaansami doono habraacyada hawlgalka caadiga ah ee kiisaska Covid inta uu gudanayo shaqadiisa.

Uganda waxay lahayd qaar ka mid ah tillaabooyinka ugu adag ee Afrika si loo xaddido faafitaanka fayraska oo ay ku jiraan bandow xilliyo dheer ah iyo xidhitaanka iskuulada iyo ganacsiyada.

Howlaha guud ee dalkaasi ayaa si buuxda dib ugu furmay February 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here