Lionel Messi oo Halis ugu Jira Inuu Ka Maqnaado Kulanka Bayern Munich.

0
71

Jowhar- (Isnaay Radio)- Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa uu shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa ciyaarta adag ee kooxdiisa Paris Saint-Germain ay usbuuca soo socda waajihi doonto Bayern Munich, kaddib markii uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa intii ay socotay ciyaartii guul-darrada ay Marseille ay xalay ku garaacday 2-1.

PSG ayaa sii diciifaysa ka hor ciyaarta ay ku qaabbilayaan Bayern Munich oo kusoo booqan doonta Parc des Princes, waxaana iyada oo uu dhaawac kaga maqan yahay Kylian Mbappe haddana la xaqiijiyey in uu shaki ku jiro Lionel Messi.

PSG ayaa isku darsatay guul-darro ay kaga hadhay tartanka Coupe de France oo ay Marseille 2-1 ku tuntay iyo inuu ka dhaawcay Lionel Messi, inkasta oo uu dhamaystay 90kii daqiiqadood ee ciyaartaas.

Sida uu qoray wargeyska L’Equpe, Lionel Messi oo 35 jir ayaa wax ka noqday muruqa dambe ee bowdada, waxaana uu gebi ahaanba seegi doonaa ciyaarta adag ee horyaalka Ligue 1 ee Sabtida ee Monaco, halka uu tartan la geli doona waqtiga si uu taam ugu noqdo Bayern Munich.

PSG iyo Bayern Munich ayaa lugta hore ee wareegga 16ka Champions League waxay ciyaarayaan Salaasada, waxaana hore loo xaqiijiyey in weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe uu dhaawac ku seegayo lugta hore ee Champions League isaga oo saddex usbuuc jiifi doona.

SIDOO KALE AKHRI

Wariye Loic Tanzi oo ka tirsan wargeyska L’Equipe ayaa waxa uu sheegay, in PSG ay rajo fiican ka qabto in uu Lionel Messi ciyaari doono kulanka Bayern Munich balse aanu wax fursad ah u heli doonin Monaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here