Liescester city VS Arsenal oo Galabta Fooda Is Dari doona iyo Wararkii u Dambeeyay Labada Kooxood.

0
220

Jowhar- ( Radio Isnaay ) – Leicester City ayaa garoonkeeda King Power Stadium kula ballansan Arsenal oo ay isku haleeli doonaan ciyaar indhuhu hayaan oo saamayn ku yeelan karta miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League.

Leicester City oo kaalinta labaad fadhida ayaa dhibco ahaan la siman Manchester United oo labaad ku jirta balse farqiga goolasha ay ka hoosayso, laakiin Aarsenal ayaa ku jirta kaalinta 11aad iyadoo 11 dhibcood ka dambaysa West Ham United oo afraad ku jirta.

Foxes oo xili ciyaareedkii hore sibiq kaga baxday kaalinta afraad ayaa xili ciyaareedkan ku adkaysanaysa in aanay marnaba ka maqnaanin oo ay kasoo dhex muuqato xili ciyaareedka dambe, waxaana 25 ciyaarood oo ay dheeleen ay ka heleen 49 dhibcood, waxaanay damaanad u haysataa in xataa haddii laga badiyo in aanay usbuucan aanay halkaas kasoo degaynin maadaama laga badiyey West Ham oo afraad ku jirta, isla markaana ay lix dhibcood ka horreyso Chelsea oo shanaad ku jirta.

Brendan Rodgers ayay kooxdiisu 10 dhibcood ka heshay afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka, waxaanay niyad weyn ka heleen guulihii isku xigay ee ay ka gaadheen Liverpool iyo Aston Villa, laakiin waxa xoogaa niyadda kaga ciyaartay Slavia Prague oo kasoo reebtay tartanka Europa League.

Safarkii Leicester ee tartamada Yurub ee xili ciyaareedka 2020-21, waxa uu kusoo dhamaaday kulankii Prague, laakiin waxay wali ku jiraan FA Cup oo ay wareeggiisa semi-finalka la ciyaari doonaan Manchester United marka ay taariikhdu tahay March 21, waxaanay haystaan kulamo badan oo ay wali u ciyaaraan si ay u xaqiijistaan booskooda Champions League ee xili ciyaareedka dambe ee 2021-22.

Rodgers ayaa ogsoon in kooxdiisu ay tahay naadiga labaad ee ugu rikoodhka wanaagsan tartamada England, waxaana 12 ciyaarood oo ay ku dheeleen lagaga badiyey shan mar oo kaliya, waxaanay maanta sii kordhisan doonaan rikoodhkooda marka ay Arsenal ku qaabbilaan.

Dhinaca kale, kooxda martida ah ee Arsenal oo si dirqi ah ugu soo gudubtay wareega 16ka Europa League kulankii ugu dambeeyey oo ay waliba ku ciyaaraysa Emirates Stadium, waxay u baahan tahay guul weyn si ay sare uga soo kacdo kaalinta 11aad ee ay ku jirto, iyadoo ogsoon in haddii laga badiyo ay hoos usii degi doonaan.

25 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah, waxay Gunners ka heshay 34 dhibcood oo kaliya, waana sababta ay ugu jiraan booska niyad-jabka ah.

Marka la eego natiijooyinka ay labada kooxood ka keeneen, min lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada, Leicester City waxay soo heshay saddex guulood, laba barbarro ah iyo mid laga badiyey, halka Arsenal ay laba guulood, saddex laga badiyey iyo mar ay barbarro gashay ay diiwaanka ugu jiraan.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Leicester City vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 3 pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: King Power Stadium

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here