Kylian Mbappe Oo Tilmaamay Kooxda Talyaaniga Ah Ee Uu U Ciyaari Lahaa

0
46

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo xafladdii abaal-marinta FIFA The Best Awards ka galay kaalinta labaad, aya waxa uu shaaciyey kooxda kaliya ee Talyaaniga ah ee uu u ciyaari laha haddii uu ka tago PSG oo ay noqoto inuu ka dego horyaalka Serie A.

Kylian Mbappe oo qandaraaskii cusbaa ee uu la galay PSG ay ka hadhsan yihiin laba sannadood oo midkood dookh yahay, ayaa waxa lala xidhiidhinayaa kooxo waaweyn oo Spain iyo UK ah, sida Real Madrid iyo Liverpool, Manchester United iyo Chelsea.

24 jirkan oo xilli ciyaareedkan socda dhaliyey 17 gool oo horyaalka Ligue 1 ah, ayaa waxa waraysi uu siiyey wargeyska Le Parisien wax lagu weydiiyey kooxda Talyaaniga ah ee uu u ciyaari lahaa haddii ay noqoto inuu tago Serie A, waxaanu markiiba lasoo baxay AC Milan, isaga oo yidhi: “Haddii aan tago Talyaniga, waxa aan u ciyaari doonaa koox kaliya, waana AC Milan.”

Si kastaba, Kylian Mbappe oo toddobaadkan isku qoray taariikhda gool-dhalinta kooxdiisa markii uu saxeexay goolkiisii 200aad ciyaartii Marseille ayaa waxa uu la sinmay Edinson Cavani oo hore u ahaa ciyaartoyga taariikhda kooxda ugu goolasha badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here