Kulanka caawa ee Chalsea iyo Manchester United, Shaxaha Macquulka ee Lbada Kooxood.

0
181

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge waxay kusoo dhoweynaysaa Manchester United, kulan xaasaasi ah oo ay labada kooxoodba guulo u baahan yihiin.

Blues ayaa ku jirta kaalinta shanaada ee horyaalka Premier League, waxaanay laba dhibcood ka dambaysaa West Ham United oo afraad ku jirta hase yeeshee Manchester United oo labaad fadhida ayay isku dhibco yihiin Liecester City waxaanay min 13 dhibcood ka dambeeyaan Manchester City oo hoggaanka haysa.

Chelsea ayaa isbeddel badan ku dhacay intii uu Thomas Tuchel tababaraha u ahaa, waxaanay soo bandhigaysay ciyaar heersare ah iyo iyagoo ka fogaaday wax khasaare ah. Siddeed kulan oo uu macallinka reer Germany hoggaamiyey ayay lix ka mid ah guuleysteen, labana barbarro galeen, waxaanay 14 dhibcood ka heleen 18 suurtogal ahaa, taas oo ah natiijo wanaagsan marka loo eego natiijooyinkoodii hore.

Chelsea ayaa laba saddex dhibcood usoo jirsan doonta haddii ay Manchester United ka badiso maanta, laakiin Tuchel ayay kooxdiisu dhibco ahaan la sinmi lahayd haddii aanay haleeli lahayn hantaaqadii ay usbuucii hore kala kulantay Southampton oo ku qabatay 1-1, ka hor intii aanay ku nefisin guushii ay kasoo gaadheen Atletico Madrid oo ay Salaasadii ku garaaceen lugta hore ee wareegga 16ka Champions League.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Chelsea vs Manchester United

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 7:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Stamford Bridge