Kulan looga hadlayay Xaalada Barakacayaasha oo lagu qabtay Muqdisho

0
64

Jowhar- (Isnaay Radio)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho, iyo xubno ka tirsan xafiiska UNSOM.

Duqa Magaalada Muqdisho iyo Marwo Kiki ayaa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin
xal u helida Arrimaha barakacayaasha maadaama magaalada Muqdisho ay marti-geliso kumanaan Barakacayaal oo siyaabo kala gedisan ugu kala yimid Gobolada dalka, kuwaasi oo kasoo hayaamay dhibaatooyinka Abaareed.

Warbixintaan waxaa inoo soo Jeedineeysa:- Maryama Shiikh Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here