Koonfur Afrika oo cadaadis kala kulantay, xiriirkooda dhanka Ruushka.

0
2
(FILES) In this file photo taken on August 12, 2018 Prime Minister Soumeylou Boubeye Maiga stands outside a polling station in Bamako, after the second round of Mali's presidential elections. - Mali's former prime minister Soumeylou Boubeye Maiga, who was being held on suspicion of corruption, has died, his family said on March 21, 2022. He died in the early hours at a Bamako clinic surrounded by guards, a family member told AFP without giving further details. Maiga was a close ally of former president Ibrahim Boubacar Keita, who was overthrown by strongman Colonel Assimi Goita in August 2020. (Photo by ISSOUF SANOGO / AFP)

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dawladda Koonfur Afrika ayaa cadaadis xooggan kala kulmaysa, ka dib markii ay diiday inay sii dayso macluumaadka ku aaddan, markab xamuul ah oo laga leeyahay dalka Ruushka, kaas oo Maraykanku uu ku eedeeyey inuu shixnad hub ah u sido Moscow.

Dhinaca kalena, sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga talada dalkaas haya oo ka hadlayey dareenada ku xeeran xidhiidhka dalkoodu la leeyahay Ruushka ayaa sheegay in xisbigoodu uu soo dhoweynayo safar uu dalkaas ku yimaaddo madaxweyne Putin, kaas oo maxkamadda caalamiga ah ee dembiyadu ay ku soo oogtay dacwado.

Dalka Koonfur Afrika oo ka mid ahaa saxeexayaashii maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada ayaa sharciga maxkamaddaasi ka doonayaa inay xidhaan, haddii Putin oo booqasho ku yimaaddo dalkooda. Hase ahaatee Koonfur Afrika ayaa iyadu sheegtay inaanay tallaabadaas qaadi dooni, haddii Putin uu dalkaas yimaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here