Khubarada Caalamka oo ka Digay isticmaalka FaceApp oo war naxdin leh laga soo sheegay.

0
218

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maalmihii lasoo dhaafay waxaa dib usoo cusboonaa barnaamijyada baraha bulshada ee sawirrada dadka falanqeynta ku sameeya kaddibna natiijo qiyaas ah soo saara.

Dadka ku nool Caalamka ee isticmaasha Facebook ayaa isbuucyadii ugu dambeeyay soo bandhigayay saadaasha noocaas ah, sida waxa uu qofka nasiibkiisa noqon karo dhowr sano oo cayiman kaddib.

Hase yeeshee khubarada ayaa horay uga digay in barnaamijyada qaabkan u shaqeeya ay khatar ku noqon karaan xogta khaaska ah ee qofka, maadaama sawirradiisa iyo cinwaankiisaba uu la wadaagayo.