Khabiir Caan Ka Ah Anfield Oo Saadaaliyey Kulanka Liverpool vs Manchester United

0
65

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa il gaar ah lagu hayn doonaa kulanka adag ee Liverpool iyo Manchester United ee Axadda oo labada kooxoodba raadin doonaan guul si weyn uga caawisa hammigooda ah inay sare u dallacaan oo ay kooxaha ka horreeya ku dhowaadaan.

Liverpool oo kaalinta lixaad ku jirta waxa uu hunguri kaga jiraa inay soo gasho booska shanaad haddii ay garaacdo Manchester United, sidoo kalena ay Man City ka badiso Newcastle United. Sidaas oo kale, Manchester United ayaa waxay ku dhowaan doontaa Man City oo labaad fadhida haddii ay ka adkaato Liverpool.

Ciyaartoodii hore ee labadan kooxood, waxa guul weyn gaadhay Manchester United oo 2-1 ku karbaashtay Liverpool oo ku booqatay Old Trafford, hase yeeshee Liverpool ayaa labadii ciyaarood ee xilli ciyaareedkii hore ee Premier League si xun ugu karbaashtay Anfield iyo Old Trafford.

Stan Collymore oo weerarka uga ciyaari jiray Liverpool ayaa waxa uu fikirkiisa ka dhiibtay natiijada ay ku dhamaan doonto ciyaarta Manchester United iyo Liverpool ee Axadda, waxaana uu istaagay meel dhexe oo uu dhibcaha u qaybiyey nadigiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here