Kenya oo ku dhawaaqday in Xeryaha Dhadhaab la xiri doono sanadka soo socda.

0
170

Jowhar (Radio-Isnaay)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay si rasmi ah ugu gudbisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR inay xiri doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma wixii loo gaaro 30-ka bisha Juun ee 2022-ka.

Arrintaas waxaa shaaca ka qaaday wasiirka amniga gudaha ee Kenya, Fred Matiangí, kaddib markii uu shalay gelinkii dambe kulan magaalada Nairobi kula yeeshay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, Flippo Grandi.

Wasiirka amniga gudaha ee Kenya Dr Matiangi wuxuu kaloo sheegay in mas’uuliyiin ka kala socda dowladda Kenya iyo hay’adda Qramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay isla garteen in hannaanka xeryahaas lagu xirayo la bilaabo 5-ta bisha May ee 2022-ka.

Hannaankan ugu dambeeyay waxaa ka mid ah inaan cidna qasab lagu rarin oo qaxootiga ay iskood dalkooda ugu laabtaan ama la siiyo shati ay uga shaqaysan karaan ama ku degi karaan dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika.

Dowladda Kenya ayaa bishii Maarso waxa ay Qaramada Midoobay in muddo laba todobaad ah ay kula timaado hannaankii lagu xiri lahaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay ku jiraan in ka badan 400,000 oo qof.

Kenya ayaa waxa ay qaxootigaas martigelinaysay muddo 30 sanadood ah, dowladduna waxa ay haatan sheegaysaa in aanay awood u lahayn inay dadkaas sii hayso maadaama dhaqaale ahaan lagu jiro xilli adag.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here