Karim Benzema Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta Xiddiga Sannadka Ee Ballon d’Or.

0
122

Jowhar – ( Raio Isnaay ) – Karim Benzema ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or kaddib xilli ciyaareed uu wacdaro ka dhigay garoomada oo kooxdiisa Real Madrid u qaaday Champions League, LaLiga, UEFA Super Cup iyo koobab kale oo garab socday, halka dalkiisana uu ka caawiyey UEFA Nations League.

Zinedine Zidane ayaa fagaaraha uga yeedhay Benzema oo gacanta ka saaray abaal-marinta Ballon d’Or, waxaana uu kabtanka Real Madrid ku garaacay saddexda ciyaartoy ee Sadio Mane, Robert Lewandowski iyo Kevin de Bruyne.

Benzema oo 34 jir ah ayaa xilli ciyaareedkii tegay waxa 46 ciyaarood oo uu u saftay Real Madrid uu u dhaliyey 44 gool, waxaana uu ahaa laacibka aan lagu muransanayn ee sannadkan u qalmayay inuu qaato abaal-marintan ee la isku wada raacsanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here