Jurgen Klopp: “Wajigeyga Cabsida Leh Ayaan Ku Waayay 30 Kun Ginni”

0
97

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in wajigiisa cabsida leh ay sababtay inuu ku waayo 30 kun ginni.

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa ganaaxay tababaraha Liverpool ka dib carradii uu muujiyay kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Manchester City ku dhawaad labo todobaad ka hor.

Wuxuu ka badbaaday in hal kulan la ganaaxo ka dib markii uu ku qeyliyay caawiyaha garsooraha isagoo ka cabanayay qalad uu Bernando Silva ku galay Mohamed Salah.