Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Dhaawac Halis Ah Oo Soo Gaadhay Xiddig Kooxdiisa Ah.

0
151

Jowhar (Radio Isnaay) Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qirtay in Alex Oxlade-Chamberlain uu dhaawac halis ah ka soo gaadhay muruqa intii ay kooxdiisu ku jirtay isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Xiddigii hore ee Arsenal ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo intii uu joogay kooxda ku ciyaarta Anfield isaga oo aan ciyaarin kulamadii ugu dameeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub tan ilaa 15-kii bishan.

Klopp ayaa xaqiijiyay Oxlade-Chamberlain uu soo gaadhay dhaawac halis ah oo dhinaca muruqa ah isla markaas muddo ka maqnaan doono garoomada.

“Oxlade-Chamberlain waxa uu maqnaan doonaa muddo dheer”ayuu Klopp yidhi.

“Waa dhaawac muruqa ah sida aad ogtihiin waan necebahay dhaawacyada laakiin mararka qaar ay dhacdaa haatan waxa dhaawacmay Oxlade-Chamberlain”.

Kulanka ugu horeeya ee Oxlade-Chamberlain seegi doono ayaa ah kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Liverpool halka uu sidoo kale maqnaan doono kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.