Jose Mourinho oo Looga Yeeray PSG.

0
91

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa wada-hadallo kula jirta tababaraha Roma ee Jose Mourinho oo ay doonayaan in ay ku beddelaan Christophe Galtier oo uu cadaadis badan saaran yahay, kaddib saddex guul-darro oo xidhiidh ah oo ay kasoo hooyeen kulamadii ugu dambeeyey.

Paris Saint-Germain ayaa waxa Salaasadii garoonkeeda ku garaacdaya Bayern Munich lugta hore ee wareegga 16ka Champions League, waxaana uga horreysay Monaco oo 3-1 ku karbaashtay iyo Marseille oo ka reebtay tartanka Coupe de France.

Madaxweynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa la sheegay in uu doonayo inuu eryo Galtier haddii ay guul soo laabasho ah kasoo gaadhi waayaan Bayern Munich oo ay usoo gudbi waayaan wareegga siddeedda Champions League.

Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Santi Auona, agaasimaha ciyaaraha PSG ee Luis Campos ayaa la xidhiidhay Jose Mourinho oo ay isla soo qaadeen sidii uu ku iman lahaa Parc des Princes, isla markana u hoggaamin lahaa kooxda xiddigaha waaweyn lagu ururiyey xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here