Jose Mourinho oo Koobka Carabao Cup Ka Ciribtiray kooxda Chelsea,

0
187

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababare Jose Mourinho ayaa markii ugu horeysay gacanta sarre ka helay tababare Frank Lampard iyadoo kooxdiisa Tottenham ay rigoore 5-4 ku garaacday kooxda Chelsea xilli 90kii daqiiqo ee ciyaarta la isku mari waayay barbaro 1-1 ah.

Chelsea ayaa hogaanka ciyaarta ku hormartay qeybtii hore iyadoo Timo Werner uu dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Blues laakiin dhamaadkii ciyaarta waxaa Tottenham u barbareeyay Erik Lamela.

Tottenham ayaana u soo baxday wareega sideed dhamaadka Carabao Cup ka dib markii Mason Mount laga badbaadiyay rigooradii ugu danbeysay.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay iyadoo Chelsea ay iska maamuleysay, waxayna heystaan kubada boqolkiiba 75 tobankii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeysay inkastoo aysan la dhaafin khadka dhexe, halka kooxda Jose Mourinho ay durbadii ay ciyaarta bilaabatay xirteen saf dheer oo daafac ah.

Fursadii ugu horeysay ee weyn ee ciyaarta waxay timid daqiiqadii 17aad markii Tanganga oo kulankii ugu horeysay xilli ciyaareedkan u dheelaya Spurs uu sibxaday taasoo u ogolaatay in baaska Mason Mount uu gaaro Hudson-Odoi laakiin darbadiisa waxaa badbaadiyay goolhaye Hugo Lloris.

Labo daqiiqo ka dib Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana uu ahaa mid ay u qalmeen, iyadoo Timo Werner uu dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee isagoo xiran maaliyada Chelsea. Saxiixa cusub ee Tottenham Regiulon ayaa kubada dhiibtay iyadoo ay isku baaseen Hudson-Odoi iyo Azpilicueta ka hor inta uusan Azpilicueta kubada u dhigin Werner oo darbo kulul shabaqa dhex dhigay.