Joan Laporta Oo Dhisaya Boqortooyo Bilaash Ah & Halka Ciyaartoy Ee Kaliya Ee Ay Lacagta Ka Bixinayaan.

0
152

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa ku jirta xaalad adag oo dhaqaale, laakiin haddana taasi kama joojinayso in ay dhisato koox adag oo ay ciyaartooyo tayadoodu sarrayso iskugu keenayso, kuwaas oo kooxda ku hoggaamin kara in ay koobab ku tartanto xilli ciyaareedka dambe.

Joan Laporta ayaa taageereyaasha kooxda hore ugu ballan-qaaday, in uu dhisi doono koox adag oo uu hoggaaminayo Lionel Messi, xilli ciyaareedka dambena ay arki doonaan wajiyo cusub oo aanay lacag badan kaga bixin.

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaan wali saxeexin heshiis cusub, laakiin Laporta ayaa toddobaadkan xaqiijiyey in ay u socdaan wada-hadallo, rajo fiicanna ay ka qabaan in uu sii joogi doono kooxda.

Laporta ayaa sidoo kale waxa uu samaynayaa shan saxeex oo degdeg ah, si kooxdu ay u noqoto mid guulo gaadhi karta xilli ciyaareedka dambe.

Barcelona oo sannadkii hore aan wax koob ah ku guuleysanin ayaa xilli ciyaareedkan hantiday Copa del Rey, waxaanay jamaahiirtu rumaysan kari la’ yihiin in kooxdoodu laba xilli ciyaareed ay ka qatan yihiin horyaalka.

Sergio Aguero oo ay si bilaash ah ugala soo wareegayaan Manchester City ayaa la filayaa in Barcelona ay shaaciso heshiiskiisa, iyadoo laacibkani uu saacado gudahood ka degayo magaalada Barcelona.

Eric Garcia oo difaaca uga ciyaari jiray Manchester City ayaa isaguna si bilaash ah ugu laabanaya kooxdiisii hore kaddib markii uu iska diiday in uu qandaraaska u kordhiyo Sky Blues.

Georginio Wijnaldum oo Liverpool macasalaameeyey, ayay Barcelona shaqaalaheeda  caafimaadka ugu diraysaa xarunta tababarka xulka qaranka Netherlands ee isku diyaarinaya tartanka Euro 2020, halkaas oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono.

Weeraryahanka reer Netherland ee Memphis Depay ayaa isaguna si bilaash ah ugu biiraya Barcelona, waxaana laacibkan qanciyey tababare Ronald Koeman oo ku riixaya inuu yimaaddo Camp Nou.

Emerson oo difaaca midig uga ciyaara Real Betis ayay Barcelona kasoo bixinaysaa 9 milyan oo Euro, iyadoo horena mulkiyadda ciyaartoygan ay u wadaagayeen Betis tan iyo January 2019.

Shantan ciyaartoy marka ay Barcelona xaqiijiso, waxa ay isku dayi doontaa in ay hesho difaac khabiir ah oo tayo badan, si ay ugaga baxaan mushkiladda khadka dambe, waxaana lala xidhiidhinayaa Matthijs de Ligt oo Juventus ka tirsan. Laacibkan ayay Barcelona qarka u saarnayd saxeexiisa waqtigii uu Ajax joogay, waxaase ka hor qaaday Juventus.

Inkasta oo De Ligt ay da’diisu yar tahay, haddana tayadiisa ciyaareed ayaa aad u sarraysa, waxaana u dheer hoggaamin.