Inter Milan Oo Tallaabo U Qaaday Final-ka Champions League

0
76

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa lug lasii gashay finalka Champions League kaddib markii ay San Siro Stadium ku garaaceen kooxda ay isku magaalada yihiin ee AC Milan oo ay tobankii daqiiqadood ee ugu horreeyey kaga takhaluseen.

Laba gool oo ay saddex daqiiqadood u dhaxeeyeen oo ay kala dhaliyeen Edin Dzeko iyo Henrikh Mkhitaryan ayaa Inter Milan siiyey guul raaxo leh inkasta oo ay labada kooxood biraha garaaceen oo ay fursado badan oo kale iska lumiyeen labadii qaybood.

Inter ayaa hoggaanka ku qabatay gool qurux badan oo uu daqiiqaddii siddeedaad u dhaliyey Edin Dzeko oo kubbad  uu dhinaca bidix kasoo qaaday Hakan Calhanoglu ku qabtay lugta bidix oo uu dhinaca ka sudhay shabaqa uu waardiyeynayay Mike Maignan oo waayey cid kubadda ka hor joogsata.

Saddex daqiiqadood oo kaliya kaddib ayuu Henrikh Mkhitaryan kubbad ula tegay goolhaye Mike Maignan oo uu dhaliyey goolka labaad ee Inter Milan, halka kooxda caawa ku qornayd martigelinta ee AC Milan ay awoodi weyday inay wax goolal ah la timaaddo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here