QM oo baaq u dirtay dowladda iyo mudaharadayaasha Tanzania

0
43

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaramada Midoobeey ayaa ugu baaqday ciidamada ammaanka Tansaaniya in aysan u adeegsan awood aan loo baahnayn ama mid xad dhaaf ah oo ka dhan ah dadka mudaharaadaya ee ka cabanaya natiijooyinka doorashooyinka.

Afhayeen u hadlay QM ayaa sheegay in la sameeyo dadaal kasta oo lagu dejinayo xiisadda, isla markaana uu ugu baaqayo mudaharadayaasha inay si nabad ah u muujiyaan dareenkooda.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Chadema ayaa sheegay in mudahradayaashu ay ku sii jeedaan bartamaha magaalada Dar es Salaam oo ah caasimada ganacsiga ee Tansaaniya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here