Dal Afrikaan ah oo musharraxiinta madaxtinnimada ku soo rogay $100,000

0
33

Jowhar – (Radio Isnaay ) –  Dadka reer Guinea ayaa si lama filaan ah uga falceliyay ka dib markii lagu dhawaaqay in musharrixiinta madaxtinnimada ay ku qasban yihiin inay bixiyaan lacag dhigaal ah oo dhan 875 milyan oo faranka Guinea ah oo u dhiganta 100,000 oo giniga Ingiriiska ah si ay ugu tartamaan doorashada bisha December, taasoo la filayo in madaxda militariga ay xukunka ku wareejiyaan dadka rayidka ah.

Guinea waxa ay ku jirtay xukun milatari tan iyo markii Colonel Mamady Doumbouya uu xukunka kula wareegay afgambi sanadkii 2021-kii.

Doorashada ayaa ku socota dastuur cusub oo u oggolaanaya Doumbouya inuu u tartamo Madaxweyne, inkastoo uusan shaacin inuu ku guuleysan doono.

In kasta oo deebaajigii hore uu ahaa mid aad u sarreeya (800 milyan oo faran), falanqeeyeyaasha qaar ayaa rajaynayay in la dhimo si loogu dhiirrigeliyo dad badan inay u tartamaan doorashooyinkan taariikhiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here