Shiinaha oo meel mariyay qorshe cusub oo isku filnaansho dhanka tiknooloojiyadda ah

0
35

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shiinaha ayaa meelmariyay qorshe shan sano ah oo cusub oo ay ansixiyeen Guddiga Dhexe ee Xisbiga Shuuciga ee talada haya dalka Shiinaha kaas oo xoogga saaraya isku-filnaanshaha dhanka tignoolajiyada, xilli ay jirto xiisad u dhaxaysa Shiinaha iyo Maraykanka.

qorshahaan, oo lagu ansixiyay shir afar maalmood socday oo uu guddoominayay Madaxweyne Xi Jinping, ayaa sidoo kale mudnaan gaar ah siinaya la tacaalidda caqabadaha dhaqaale.

Bayaanka lagu daabacay (wakaaladda wararka ee dowladda Shiinaha, Xinhua) ayaa sheegay in la qaadi doono dadaallo lagu kordhinayo isticmaalka gudaha, lagu ballaadhinayo maalgashiga, laguna baabi’inayo caqabadaha hor taagan kobaca.

Qorshahani wuxuu imaanayaa xilli dhaqaalaha labaad ee ugu weyn caalamka uu wajahayo hoos u dhac ku yimid kharashka gudaha, dhibaato dheer oo ka taagan qaybta guriyeynta, iyo xiisado ganacsi oo sii xoogeysanaya oo kala dhexeeya Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here