Jowhar – ( Radio Isnaay ) – La-taliyaha sare ee madaxweynaha Maraykanka ee arrimaha Afrika, Carabta iyo Bariga Dhexe, Massad Boulos, ayaa xaqiijiyey sida ay Washington uga go’an tahay in xal nabadeed loo helo muranka biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), isagoo sheegay in arrintan loo maro hab farsamo oo aan siyaasad ahayn.
“Waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan u heli lahayn xal ku habboon dhammaan dhinacyada, gaar ahaan dhinaca farsamada, maaddaama ay tahay keliya arrin farsamo oo ay tahay in lagu xalliyo qaab farsamo,” Boulos ayaa u sheegay Al Carabiya Isniintii.
Waxa uu ku tilmaamay khilaafkaasi mid nolol iyo geeri ah oo u dhexeeya Masar, Suudaan iyo Itoobiya, isaga oo intaa ku daray in biyo-xidheenka “hadda uu dhab yahay” kadib markii la dhammeeyey oo si rasmi ah loo daahfuray. “Waa in xal laga helaa xaqiiqadan,” ayuu yiri.