Xiddig Arsenal Oo Uu Ka Dhaawacmay Xiddig Laf Dhabar U Ah

0
7

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal, Martin Ødegaard, ayaa lagu soo waramayaa in uu garoomada ka maqnaan doono ilaa Bisha November ee sanadka 2025.

Kooxda Gunners ayaa xaqiijisay in ciyaaryahanka reer Norway uu dhaawac kasoo gaaray seedda gudaha jilibka intii lagu jiray guushii 4-0 ee ay Arsenal ka gaartay West Ham ka hor fasaxa ciyaaraha caalamiga ah.

Ødegaard ayaa la tacaalayay dhaawacyo isdaba joog ah tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka 2025-2026, waxaana dhaawiciisa ugu dambeeyay ka hor istaagi doona inuu ka qeyb galo kulamada ay Arsenal la ciyaarayso Atlético Madrid tartanka UEFA Champions League, iyo sidoo kale kulamada horyaalka Premier League ee Ingiriiska ay la balansan tahay Crystal Palace iyo Fulham.

Ciyaaryahanka 26 jirka ah ayaa seegay in loo doorto xulka qaranka Norway ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 bishan, sababo la xiriira dhaawaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here