Jowhar – ( Radio isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in “Ducadii malaayiin qof la aqbalay” ka dib markii heshiis nabadeed oo Gaza laga gaaray lagu saxiixay shir caalami ah oo ka dhacay dalka Masar.
Mr Trump oo ah shaqsiga ugu mudnaa shirka ka dhacay Sharm el-Sheikh isaga iyo hoggaamiyeyaasha Masar, Qadar, iyo Turkiga – oo dhamaantood gacan ka geystay dhexdhexaadinta heshiiska xabbad-joojinta, ayaa saxiixay heshiiska.
Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa sheegay in wejiga labaad ee qorshaha wadahadallada nabadeed ee Gaza uu hadda socdo.
Dhanka kale, dabaaldegyo ayaa ka dhacay guud ahaan Israel iyo dhulka Falastiin ka dib is-weydaarsigii maxaabiista iyo dadkii la haystay ee Isniintii.