Liverpool Oo Loo Sheegay Xiddig Ay Tabtay Maqnaanshihiisa Guuldaradii Chelsea.

0
7

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahankii hore ee xulka England, Daniel Sturridge, ayaa ku adkaystay in Liverpool ay si weyn u tabayaan Luis Diaz kulankii ay guuldarada 2-1 ka soo gaadhay Chelsea sabtidii.

Sturridge ayaa sheegay in Liverpool ay waayeen cadaadiska garoonka hore iyo shaqada difaaca ee uu Diaz bixin jiray, kaasi oo xagaagii ka tagay Anfield kuna biiray Bayern Munich.

Ninkan 36-jirka ah ayaa sidoo kale xusay in weeraryahanada Liverpool ee cusub, Hugo Ekitike iyo Alexander Isak, ay yihiin ciyaartoy maskaxdoodu ku jirto weerarka, halka Diaz uu daafaca ka caawin jiray kooxda.

“Luis Diaz waa khasaare weyn oo kooxda ka maqan. Haddii aan eegno Liverpool sanadkii hore iyo sida ay u cadaadin jireen cayaarta, Diaz wuxuu ahaa midka ugu horeeya ee cadaadiska bilaabi jiray ee weerarka saddexda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here