Shah Rukh Khan oo bilyaneerrada adduunka kusoo biiray

0
59

Jowhar – ( Radio  Isnaay ) – ilaaga caanka ah ee Bollywood-ka Shah Rukh Khan ayaa markii ugu horeysay ku biiray kooxda bilyaneerrada ah, isagoo noqday mid ka mid ah jilayaasha ugu qanisan caalamka, sida lagu sheegay liis cusub.

Ninakn 59-jirka ah ayaa hantidiisa lagu qiyaasay $1.4bn (£1.03bn), sida laga soo xigtay Hurun India Rich List 2025, oo ah qiimeyn sanadle ah oo lagu sameeyo shakhsiyaadka ugu qanisan Hindiya.

Tani waxay ka dhigeysaa inuu ka mid noqdo horyaallada caanka ah ee caalamiga ah sida Arnold Schwarzenegger, xiddigadda pop-ka Rihanna, ninka cayaarta golf-ka caanka ku ah ee Tiger Woods, iyo heesaa Taylor Swift, kuwaas oo hantidooda ay majaladda Forbes ku qiimeysay $ 1.6bn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here