Haweeney Mareykan ah oo lagu helay dambi ah inay biyo ku qarqiso gabadh Muslimad ah

0
22

Jowhar – ( Radio Isnaay Haweeney ka soo jeeda gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah kadib markii ay isku dayday in ay biyo ku qarqiso gabar 3-sano jir ah oo Muslimad Mareykan ah sanadkii 2024-kii, weerarkaas oo ay mas’uuliyiintu sheegeen in uu salka ku hayay cunsuriyad. Gabadha ayaa la sheegay in qoyskeeda ay ka so jeedeen Flaastiin.

Diiwaanada maxkamada oo ay soo xigatay CBS News iyo Fort Worth Star-Telegram ayaa muujiyay garsoore Andy Porter inuu xukunka ku riday Elizabeth Wolf, 43 sano jir ah, ka dib markii ay qiratay dambiga isku day dil iyo halis galin ilmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here