Labo qof oo ku dhimatay dibadbaxyo ka dhacay Marocco

0
59

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan labo qof ayaa lagu dilay Morocco kaddib markii boolisku rasaas fureen si ay uga hortagan dibadbaxayaal doonayay in ay galaan saldhigga booliska sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Waa dhimashadii ugu horeysay ee la soo sheego ilaa iyo markii ay qarxeen dibadbaxayada ay dhallinyarda horkacayeen ee ka bilowday dalka Sabtigii. Dhallinyarada ayaa ka careysnaa go’aanka dowladda ee lagu dhisayo garoomo kubbadda cagta lagu qabto koobka adduunka ee 2030-ka halkii ay sare ugu qaadi lahaayeen adeegyada guud iyo dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here