Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xildhibaan Ibraahim Muuse Mahad oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan tan ku nool magaalada Jowhar, ay ka fogaadaan qabyaaladda iyo kala sooca ku saleysan qabiilka, taas oo uu ku tilmaamay mid kamid ah caqabadaha ugu weyn ee hor taagan dowlad-dhiska iyo midnimada ummadda.
Waxaa soo jeedineysa : – Xaliimo Cali.