Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhintay dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.9 oo ku dhuftay bartamaha dalka Philippines, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maareynta musiibooyinka ee dalkaasi.
Magaalada Bogo iyo degmooyin kale oo uu saameeyay dhulgariirka ayaa lagaga dhawaaqay “xaalad musiibo”.
Dhulgariirka ayaa Talaadadii ka dhacay xeebaha magaalada Cebu wuxuuna sababay koronto la’aan iyo burbur xooggan oo soo gaaray dhismayaasha.





