Duulimaadyadii Afgaanistaan oo hakad galay ka dib markii internet-ka la xiray

0
6

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Garoonka diyaaradaha ee ugu weyn dalka Afgaanistaan ​​ayaa hakad ku jira iyadoo dalkaasi uu la daalaa dhacayo xanibaad dhanka Internetka ah oo dalkaasi oo dhan ay kusoo rogtay dowlada Talibanka.

Taalibaan wali ma aysan sheegin sababta rasmiga ah ee go’aankan oo dhaqan galay isniintii, balse waxa ay sheegeen in uu sii socon doono ilaa amar dambe.

Isgaarsiinta gudaha Afgaanistaan, iyo tan dunida kale, ayey si aad u saameeysay, sidoo kale waxaysaameyn ku yeelatay adeegyada muhiimka ah – oo ay ku jiraan bangiyada iyo lacag-bixinta – iyo helitaanka waxbarashada dhanka internetka ah, oo nolosha u ah haween iyo gabdho badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here