Trump oo amray in ciidamo loo diro Magaalada Portland

0
49

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweyne Donald Trump ayaa amray in ciidamada Mareykan ah loo diro magaalada Portland ee gobolka Oregon, isagoo sidoo kale oggolaaday in la adeegsado “xoog buuxa” haddii loo baahdo, si loo xakameeyo mudaaharaadyo ka dhan ah xarumaha lagu hayo dadka muhaajiriinta ah.

Trump wuxuu sheegay inuu “amar siiyay Wasiirka Dagaalka, Pete Hegseth, si uu u bixiyo dhammaan ciidamada lagama maarmaanka u ah si loo ilaaliyo magaalada Portland oo uu ku tilmaamay mid dagaal lagu burburiyay.”

Wuxuu ku andacooday in tallaabadani ay ka caawin doonto in la ilaaliyo “goobaha ICE ee la weerarayo ama go’doonsan, kuwaasoo ay bartilmaameedsanayaan kooxda Antifa iyo kooxo kale oo argagixiso gudaha ah,” isagoo intaa raaciyey qoraal uu soo dhigay batrisa bulshada ee Truth Social: “Sidoo kale waxaan oggolaaday adeegsiga Xoog Buuxa, haddii loo baahdo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here