Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa guuldarro xanuun badan kala kulantay kooxda Crystal Palace daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta, kadib markii lagu garaacay 2-1, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.
Reds ayaa booqatay kooxda reer London fiidnimadii Sabtida, kulankaas oo ka dhacay garoonka Selhurst Park, kana tirsanaa wareegga lixaad ee xilli ciyaareedka.
Crystal Palace ayaa si degdeg ah u bilaabatay ciyaarta, waxaana goolka furitaanka u dhaliyay xiddiga caalamiga ah ee reer Senegal, Ismaïla Sarr, daqiiqaddii 9-aad.
Waxaa suurtagashay in ciyaaryahanka beddelka kusoo galay, Federico Chiesa, uu u dhaliyo Liverpool goolka barbaraha daqiiqaddii 88-aad, isagoo ciyaarta ka dhigay 1-1.