Gawaarida Shiinaha oo ku qulqulaya suuqyada Bariga Dhexe

0
26

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Magaalooyinka Bariga Dhexe waxaa ku soo badanaya oo indhahaagu ay qabanayaan gawaarida lagu sameeyo Shiinaha.

Xogta waxa uu Shiinahu dhoofiya ayaa muujineysa in gawaarida ay geeyaan gobolka ay kordheen ku dhawaad lix jibaar lixdii sano ee la soo dhaafay. Sanadkii la soo dhaafay ee 2024-kii waxay kordheen in ka badan hal milyan. 2019-kii waxay Shiinuhu geeyeen gobolka 150,000.

Wadamada Khaliijka waxaa si weyn looga jecelyahay gawaarida yar yar iyo kuwa kor u kacsan ee ka dhaqaaqa afarta lugood. Sanadihii la soo dhaafay noocyada baabuurta ee Land Rover Defender iyo Nissan Land Patrol ayaa ahaa kuwa si weyn uga muuqda wadooyinka.

Si kasta ha ahaatee, waxaa hadda guuleysanaya noocyo kale oo badalaya gawaaridaas kuwaas oo ka imaanaya Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here