Duufaantii ugu xoogganeyd oo dad ku dishay Taiwan

0
6

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Duufaanta xooggan ee Ragasa ayaa ku wajahan koonfurta dalka Shiinaha ka dib markii ay Talaadadii ka soo gudubtay waqooyiga dalka Filibiin. Hoos ka eeg burburka ay geysatay ilaa hadda:

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dalka Filibiin ka dib markii Ragasa ay ku dhufatay jasiiradaha fog fog ee waqooyiga Isniintii isla markaana ay ka tagay daadad.

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay duufaanta, halka in ka badan 120 kalena la la’yahay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Saraakiisha ayaa sheegay in dhammaan dadka dhintay iyo kuwa la la’yahay ay ku sugan yihiin magaalada Guangfu ee degmada Hualien ee bariga Taiwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here